Nagu Saabsan

Xalkoob Software Development waa shirkad ka shaqeysa horumarinta technology-ga casriga ah iyadoo la jaan qaadaysa caalamka casriga ah, kana qeyb qaadata xal u helidda baahiyaha macaamiisha iyo in fikradahooda loo beddelo xal. Waxaa la aasaasay 2020. Xalkoob waxaa loo aasaasay in lagu buuxiyo baahida software ee ka jirta Soomaaliya, si loo helo adeegyo software oo dhamaystiran oo tayo sare leh, uguna adeegaan bulshadeena sida ugu macquulsan.

Ilaa 2020 Xalkoob waxay ka qeyb qaadatay xalinta baahiyaha mareegaha (websites), qaabeynta (design) iyo kaydinta xogta (databases). Xalkoob waxay sidoo kale soo kordhisay xalinta application-nada (mobile applications), la-talinta dhanka software-ka iyo tababarrada quseeya qaabeynta iyo sameynta mareegaha. Xarunta u weyn ee Xalkoob waxay ku taallaa Muqdisho, iyadoo laan ku leedahay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Aragti

Noqoshada hormuudka baahiyaha la xiriira ICT iyo xarunta tababarrada ee bixisa adeegyo tayo sare leh, gaarsiinaysana dhammaan Geeska Afrika.

Yool

  1. In aan caawinno shirkadaha, ururada iyo dhammaan xarumaha ganacsiga ee bulshada, si kor loogu qaado wax-soo-saarka, faa’iidada ganacsiga iyo hufnaantiisaba.
  2. In ururada iyo shakhsiyaadka la siiyo tababar farsamo iyo la-talin ka caawinaysa inay ku guuleystaan dadaalkooda ganacsi, iyadoo loo qabanayo adeegyo kor u qaadaya filashada suuqa.

Halbeegyada

  • Qancinta macaamiisha si heer sare ah
  • Wada-shaqeyn buuxda oo dhex mara team-ka Xalkoob iyo macaamiisheenna
  • Daacadnimo
  • Adeeg hufan
  • Baahi dhamaystiran oo waqtigeeda ku qabsoonta